HOME Line waa hay ad aan dowli ama faaiido doon midna ahayn oo ka shaqeyso Minnesota oo than una dooda xuquuqda dadka kiresyte yaasha ah. HOME Line waxey tababar cilmiyeed xaga sharciyada guryaha oo calag la’aan ah siisaa kireysteyaasha ku nool Minnetosa oo dhan si ay u xaliyaan dhibaatooyinka uga yimaada kireysiga guryaha. HOME Line waxaa kaloy u ololeysaa sidii loo horumarin lahaa sharciya guud iyo kuwa qaar ahaaneed ee guryaha iyadoo halganka ka qeybgelinaysa kireyteyaasha.
Kireyteyaasha ku nool gobalka Minneasota oo than waxay ka heli karaan kharda ijaataha HOME Line talo sharciyeed lacag la’aan ah oo ku baxda afka Soomaaliga, Ingiriiska iyo Isbanishka. Qareenada, ardayda sharciyada barata iyo mutadawiciinta bulshada ayaa bixiya talo sharciyeed qiimo leh kana haqab tira kireytayaasha baahida ay u qabaan macluumaadka ku saabsan xuquuqda ijaartaha. Qareenada HOME Line waxay ku taqasuseen sharciyada guryaha,waxayna talosharciyeed xaga guryaha ah oo lacag la’aan ah ku bixiyaan khadka telefonka iyo E-mailka. Sanadka 2013 khadka ijaatuha HOME Line wuxuu caawiyay in kabadan 12,000 oo qoys si ay u xaliyaan dhibaatooyinka ka heysta kireysiga. Soowicitaanka Home Line waa lacag la’aan sirtiinuna waa qarsoontahay.
Home Line wuxuu kaa caawin karaa arrimaha la xiriira kiraysiga sida:
- dayactirka guryaha iyo hadii lagu xadgudbo privasigaaga
- cayayaanka guryaha gala sida: dhiqlaha, baranbarada dooliga iwm
- Hadii qasab guriga lagaaga saarayo
- Lacagta dabaajiga
- Iyo dhibaato kasta oo la xiriirta shuruucda kireysiga
Haddaad tahay kireyste ku nool gobolka Minnesota aadna rabto in aad wax ka ogaato xuquuqdaada kireyste ahaan waxaad HOME Line ka heli kartaa talo xaga sharciyada guryaha ah oo lacag la’aan ah. Fadlan nagala soo xiriir khadka ijaartaha ee telefooniisu yahay (612-728-5767) si aad u ogaato xuquuqdaada ku aadan kireysiga. Si toos ah u la xiriir qof ku hadla af-Soomaali (612-255-8860), dhaaf magacaada, lambarka telefonkaaga, addresskaaga iyo fariin kooban oo ku saabsan dhibaatada aad u soo wactantay. Sida loo soo kala horeeyo ayaan idiin soo wici doonaa.
Shaqadan waxaa si deeqsinimo leh u maalgeliyey oo taageeray The Otto Bremer Foundation, F.R. Bigelow Foundation, iyo the St. Paul Foundation.